Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 08-Juun-08 Aqoon iswaydaarsigii ay ka qayb qaadanayeen wafuuda kal kala socota Dowlada iyo Mucaaradka fadhigoodu yahay Asmara ee ka qayb galaysa wadahadalada nabada ee Jabuuti ayaa la sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay.
Siminaarkan oo ay ka wqayb qaadanayeen xubnaha dowlada federaalka uga qayb galaya Shirka jabuuti iyo xubnaha isbahaysiga dib u xoraynta Soomaalia ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada jabuuti inkastoo kulamo gooni gooni ah oo laba dhinac midba gaarkii uu u leeyahay ay kasocdaan magaalada jabuuti.
Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya Axedou Auld Cabdallah oo gudoominayay siminaarkan ayaa sheegay in si guul ah uu ku dhamaaday.
Sulayman Colaad rooble oo kamida xubnaha Iabahaysiga mucaaradka Asmara u jooga jabuuti ayaa sheegay in dedaalada iminka socda la’isugu soo dhoweenayo , faham guud na laga wada gaarayo xaalada ka taagan wadanka Somalia .
Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya Axedou Auld Cabdallah ayaa kulamo gaar gaar ah la leh labada dhinac ee dowlada iyo Mucaaradka Asmara oo wada degan isla hal hotel.
Shirkii wufuuda Soomaalida ee ka kala socota dowlada iyo Mucaaradka uga socday magaalada jabuuti ayaa ku dhow heer gabo gabo ah iyadoo ay jiraan kulamo gooni gooni ah oo kooxaha dhex dhexaadinta wadaa ay si gaar gaar ah ula yeelanayaan Labada dhinac .
Warku waxaa uu intaasi ku darayaa in hada shirku uu gudbay wajigii labaad ee gebagebada isla markaana lasoo xulayo gudi 6ka kooban oo labada dhinac ka socda gudidaasi oo lagu wado in ay isi soo horfariistaan si ay u saxiixaan qodobada lagu heshiiyey oo ah kuwo aan wali saxaafada si weyn looga shaacin.
Laakiinse waftida kasocota Kooxda asmara ayaa iyagu u muuqda kuwo diidan in wadahal lasameeyo kulanka heshiiskan lagu saxeexayo , halka dhex dhexaadiyayaashu doonayaan in halkaasi wada hadal ka dhasho intaan heshiiska lasaxeexin.
Dhinacakale iyadoon wali heshiis lagaarin ayaa laga muujiyey rajo aan wanaagsanayn sida heshiiskaasi ku hirgeli karo iyadoo loo’aaneenayo kooxda dalka gudihiisa daagaalada ka wada in ayna u dheg taageen waxa kasoo baxaya shirka jabouti.