Jabuti, Djabouti (Calanka.com) 09-Juun-08 Waxaa caawa lagu kala sixiixday magaalada Jabuuti heshiis wax ku ool ah oo ey kala sixiixdeen garabyada dowladda federalka iyo isbaheysiga dib u xoreynta ee maamahanka shirar isdaba joog ah uga socdeen dalka Jabuuti.
Shirkan lagu heshiiyay oo lasoo gabagabeeyay caawa ayaa waxaa uu isbuucii hore uga furmay halkaa kooxahan, waxaana caawa shir albaabada u xiran yihiin kadib lagu duugay qalinka qodobo ey ka mid yihiin:
In mudo 30-cisho ah laga dhaqan geliyo Somaliya oo dhan heshiiskan maanta la sixiixayo
In xabadda la joojiyo mudo 90-cisho, lana kordhin karo markii ey mudadaasi dhamaato.
In golaha amaanka mudo 3-bilood gudeheed ciidamo nabad ilaaliyayaal laga codsado QM, kuwaasoo eysan ku jirin wadamada dariska ah.
In mudo 3-bilood ah looga saaro Somaliya ciidamada Itobiya markii ey ku yimaadaan mudadaas 3-da bil ah ciidamada QM.
In isbaheysiga dib u xoreynta ey beri ka ahaadaan iskana fogeeyaan kooxada dagaalada qaada ee iyaga aan amarka ka qaadan.
In la sabeeyo mudo 15-cisho ah gudi ka socda labada dhinac oo kontrola xabad joojinta iyo arimaha heshiiska in uu hirgalayo.
In labada dhinac ey ka wada shaqeeyaan sidii heshiiskan loo wada fulin lahaa.
Waxaa markii heshiiska la kala sixiixday qudbado ka jeediyay madasha dhinacyada heshiiska gaaray iyo waliba wakiilada beesha caalamka oo uu ugu horeeyay wakiilka QM Ahmedou Abdalla.
Sidoo kale waxaa halkaasii qudbado ka jeediyay ugu danbeyn halkaa gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo ra? iisal wasaaraha Somali Nuur xassan Xuseen (Nuur Cadde).