Juventus oo looga digay cunsiriyeynta Mario Balotelli

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 02-Sebtember-2010


Ururka Kubadda Cagta ee Yurub ayaa ku goodiyay in ganaax adag ay dul dhigeyso kooxda Juventus hadii tageerayasha Juve cunsuriyadnimo kula dhaqmaan Mario Balotelli marka ay iska horyimaadaan kooxda Man City.

Laacibkani oo dhawaan ka so wareegay kooxda Inter Milan ayaa marar kala duwan aflagaado iyo qaylo wasaqeysan kala kulmay taageerayasha kooxda mudanaayasha duqooway ee Juventus xilli Inter Milan iska horyimaadeen.

Juventus ayaa haatan la gaarsiiyay fariimo digniino culus xanbaarsan, iyadoo taageerayaasha Juventus lagu tilmaamo kuwa dhaqan xun.

Waxa laga baaqaya in kulanka Man City iyo Juventus in taagerayasha ku qayliyaan laacibkaasi midabka madoow leh ,iyadoo Man city cayartas soo safi doonto dhowr laacib oo madoow ah oo uu ku jiro laacibkani u dhashay dalka Talyaniga.

Horay ayay taageerayaasha Juventus hees aflagaado ah ugu oryeen laacibkaasi xilli ciyaredkii hore waxa ayna ku yiraahdeen.

"Qaranka talyaaniga boos ugama banaana cayaryahan madow,qaranka talyaaniga iskama laha dadka madow"
.

Xiligasi xariirkii u dhaxeyay Juventus iyo Inter ayaa baal madoow galay .haatan-na waxaa laga cabsi qabaa in Man City taageerayaashooda iyo Juventus dusha isu jeediyaan .

Kooxda Man City ayaa ka hadashay saadaalinta socota ,waxa ayna tibaaxeen in Balotelli saameyn ku yeelan dooonin waxa dhanka taagerayasha Juventus ka yimaada .

Maryama (Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda






  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia