Askartii AMISOM
ee lagu dilay Muqdisho oo laga dejiyay Uganda
Kampala, Uganda (Calanka.com) - 02-Sebtember-2010
Meydadka afar askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya islamarkaana lagu dilay magaalada Muqdisho maalmo ka hor ayaa lagasoo dajiyay garoonka Entebbe ee dalkaasi Uganda.
Askartan afarta ee meydadkooda la keenay Uganda ayaa ku dhintay hoobiye ku habsaday iyagoo ku sugan gudaha xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Amisom ee Muqdisho mr. Bahouku.
Munaasabad lagusoo dhaweynayay meydadkan oo ka dhacday garoonka Entebbe ayaa sarkaal u hadlay xukuumadda Uganda waxa uu ka sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya u diraan 10-kun oo askari, hadii uu Mareykanku bixinayo dhaqaalaha ciidamadaasi.
Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6000 oo askari, kuwaaso howlo nabad ilaalin u jooga magaalada Muqdisho.