|
Jose Mourinho ayaa tibaaxay in si waxashinimo oo bareer ah ay cayaartooyda u jibiyaan laacibkasi kuwaasi oo doonaya in lacibka ka horistaagaan in shabaqooda uu kubada ku hubsado.
Wax loo sii dulqaadan karo ma aha in laacibkani u nugulaado weeraro jibin ah , kaarka cas ee la bixiyana kaligiis wax ma qabanayo , garsoorayaasha waa in ilaalo gaar ah u yeeshaan ilaalinta lacibkasi ayuu yiri Macalin Mourinho.
Ronaldo ayaa iminka dhaawac kooxda kaga maqan ,dhowr kulan-na oo horyaalka kooxaha yurub-na waa ku maqananaya sida la xaqiijiyay.
Mar wax laga weydiyay sharta sanadkaan ay la soo shartageyso kooxda Milan oo weeraryahano culus iibsatay ayuu si xishood uu ka muuqdo ayuu u yiri.
"AC milan lama dhayalsan karo sanadkaani isku Group-na wa nahay ,in ay horyaalka kooxaha Yurub qaadaan ayay halis ugu jiraan", Macalin Jose aya yiri sidaan.
Marka la eego qadka weerarka kubada waxa xarago leh isugu dhiib dhiibaya Bato. Robinho, Ronaldinho, zlatan Ibrahomavic, taaasina waxa ay ka dhigan tahay AC Milan lagu soo deg degi karo.
Maryama (Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|