Kenya oo mobilada laga cabsanayo

Nairobi, Kenya (Calanka.com) - 03-Sebtember-2010


Dalka Kenya ayaa xalay ilaa maanta waxaa ay dad badani hadal hayeen in naftu halis u gali karto haddi Numbero aan la aqoon ay ku soo wacaan qofkasta oo sita telifoonka gacanta lagu qaato.

Arrintani darted ayaa wasiirka warwaafinta dalkani Kenya Samuel Poghisio ku tilmaamay wax aad looga xumaado in argagax lagu abuuro bulshada dalkani, kaddib markii ay ilaa xalay iyo maanta isla dhexqaadayeen dadka reer Kenya dhambaalo xanbaarsan war naxdin leh, kaas oo ahaa in qofkii lagu soo waco private number uu dhiman doono haddii uu qabto.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in la ciqaabi doono qofkii lagu helo dambigaasi uuna mutaysan doono xarig gaaraya ilaa iyo hal sono iyo konton kun oo ganaax ah.

Waxaa ka mid ahaa dhambaaldii ay dadku isugu dirayeen telifoonka gacnta ee Mopilka.

“Fadlan ha qaban Numberada noocan ah 7888308001, 9316048121, 9876266211, 9888854137, 9876715587., hadii ay ku soo wacaan, kuwaas oo ku soo galaya iga oo casaan ah, waxaa la hubaa in ay maskaxdaada waxyeelayn karaan haddii aad qabto ilaa hadda waxaa u dhintay dad gaaraya 27 qof ayaa u dhintay qabshada numbradani”, sidaasi waxaa dhambaalo eheladooda ugu dirayay dadka reer Kenya maanta ilaa xalay oo ay Taariikhdu ahayd 1/9/2010.

Waxaa sidoo kale arrintani cabsi galinta ah wax kama jiraan ku tilmaamay madaxda shirkadda isgaarsiinta SAFARICOM iyo booliska dalka, kuwaas oo sheegay in ay yihiin warsuuq dadka lagu niyad xumaynayo.

Dad badan oo Kenyan ah ayaa sheegaya in ay arrintani ka argagaxeen sida uu qoray bogga ku hadla afka dowladda dalka Kenya ee http://www.kbc.co.ke , waxa ayna sheegeen in warkaasi uu naxdin xoogleh ku beeray ayna ku war galiyeen qoysaskooda arrintaasi.

Arrintani ayaa noqonaysa midi ugu horaysay ee la maqlo in qof uu dili karo Telifoon dalkani Kenya, balse beenowday, kaddib markii dowladdu arrinkaasi shir jaraa’id uu ka qabtay wasiirkeeda isgaarsiinta oo dadka u sheegay in ay isdajiyaan arrintaasina ay been tahay, walow ilaa xalay ay aad u yaraatay iswicida iyo qabashada telifoonada dalkani Kenya Duhiisa.

W/Q Journalist Mohamed Ali Abdi (Royter)
maxamedroyter@hotmail.com
Nairobi, Kenya

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda




  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia