|
Ciidamada nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa mudooyinkii u dambeeyay ka sameystay magaalada Muqdisho fariisimo cusub kadib markii maalmihii u dambeeyay tiradooda lasoo kordhiyay, ayna iminka cago-cageynayaan ku dhawaad 7500 oo askari.
Fariisimayaashan cusub ayay qaarkood kala wareegeen ciidamada dowladda, waxaana ay tiradooda gaarayaan sagaal fariisin iyadoona ay ka kala sameysteen degmooyin ku yaal waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho.
"Waxaan balaarinay ciidankeena iyo goobaha aanu ka joogno Muqdisho, runtii waxaana ku talaabsanay horumar la taaban karo", sidaa waxaa yiri Wafula Wamunyinyi oo ah madaxa Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somaliya.
Waxa uu sheegay in ay ku dileen dagaaladii u dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay in ka badan 300 oo maleeshiyo ah, waxaana uu intaa ku daray in hadii ay helaan ciidamada taageerada ay doonayaan ay magaalada dhan gacanta ku wada qaban karaan.
Kordhinta ciidamada Amisom ayaa imaaneysay kadib markii laba bilood ka hor weeraro argagixiso lala beegsaday caasimada Uganda, halkaasoo lagu dilay in ka badan 76-ruux oo rayid ah.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|