Shabaab iyo Xisbiga oo uu wali khilaaf u dhexeeyo

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 03-Sebtember-2010


Wadahadaladii u dhaxeeyay kooxda al-shabaab iyo Xizbul Islam ee looga gon lahaa in labada dhinac la isku biiriyo ayaa galay hakad oo waddo xeran istaagay ka dib markii qilaaf cusub u soo galay .

Ilo wareedyo si gaar ah ugu dhaw labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay in arinta la isku qilaafsan yahay ay tahay magaca cusub ee loo bixinayo ururka marka la mideeyo .

Inkastoo wada xaajoodyada ku wajahnaa in labada koox la mideeyo ay marayeen wajigoodii labaad hadana arintan taagan ay u muuqato laf dhan guushay.

Kooxda al-shabaab ayaa dooneysa in magaca al-shabaab uu taagnaado halka xizbul islam arintasi u arkeen mid lagu liidayo kooxda,waxa ayna doonayaan in magac cusub loogu yeero Ururkani cusub.

Ilahaan wareed ayaa sheegaya in labada kooxood ay isla garteen oo ay afgarad ka gaareen qeybsiga awoodda laakiin la isku mari la yahay magaca cusub ee loogu yareeyo ka dib mideynta.

Afhayenkii hore ee kooxda al-shabaab Muqtaar Rooboow (Abuu mansuur) ayaa dhawaan gaashaanka u daruuray in wadahadaladii bur-bureen, waxa uuna sheegay in shacabka dhawaan ay maqli doonaan war ay ku farxaan.

Dadka indha-indheeya labadaan koxood ayaa sheegaya in inkastoo ka mideysan yihiin dagaalka dowlada ka dhanka ah hadana hishiis rasmi ah oo ay gaaraan ay tahay dhacdo mustaxiil ah .

Cisman Fantastic
Tafafriraha Calanka .
ossmanfantastic@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda




  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia