Midowga Afrika oo guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho

Nairobi, Kenya (Calanka.com) - 03-Sebtember-2010


Kulan loo qabtay saxaafada oo ay ka soo qeyb galeen weriyayaal caalamiya ayaa maanta galinkii dambe lagu qabtay Nairobi Sarena Hotel ee xarunta dalkak Kenya ee magaalada Nairobi, waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyaya madaxa kusimaha gaarka ah ee gudiga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mr. Wafula Wamunyinyi.

Mr. Wafula Wamunyinyi ayaa kulanka uu saxaafada u qabtay galinkii dambe ee maanta ku soo bandhigay MAP ka turjumaya meelaha ay kaaga sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo sidoo kale guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha ka soo horjeeda DKMG ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee u jooga nabad ilaalinta magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale Mr. Wafula ku soo qaaday kulankiii maanta in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM la gaarsiinaayo tiradooda ilaa iyo 7200 oo askari, kuwaas oo hore tiro ahaan gaarayay 4400 Askari oo ka soo kala jeeda dalalka Burundi iyo Yugandha.


“Ciidamada Modowga Afrika, waxa ay taageero caalamiya ka heleen wadamo farabadan oo ka mid ah dalalka Yurub iyo Amerika si loo sii wado howgalada ay ciidamadeeno ka wadaan dalka Soomaaliya si nabad loogu soo dabaalo,” sidaasi waxaa yiri madaxa kusimaha gaarka ah ee gudiga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mr. Wafula Wamunyinyi.

Madaxa maanta kulanka u qabtay saxafaada ee Mr. Wafula Wamunyinyi ayaa sheegay in sagaal goobood oo hor leh ay ka qabsadeen kooxaha ka soo horjeeda DKMG ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hotel Curuba oo ku yaala degmada Shangaani, aaga Global Hotel oo isna ku yaala degmada Shibis iyo Warshadii hore ee COCOLA ee degmada Hodan.

Weriyayaasha ayaa markaasi kaddib loo ogolaaday in ay su’aalo waydiiyaan masuul Wafula Wamunyinyi, waxaana ka mid ahaa dhowr weriye oo caalamiya sida kuwa ka socday AFP, Aljasiira, BBC iyo warbaahinta dalka Kena ka howgala, kuwaas oointooda badan waydiinayay masuulka sida ugu macquulsan ee looga mara dhalin karo hanaanka socdka nabadda ay ka wadaan dalka Soomaaliya iyada oo ay waxyeelada dagaaleed ee soo gaaraysa shacabka ay sii badanayaan iyo inta ay le agtahay taageerada caalamiga ee ay haleen.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa wariyayaashii Su’aalaha waydiiyay weriyayaal Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Axmed Xassan Kheyre oo ka socday Horn Afrika Media iyo Maxamed Cali Royter oo ah Tifaahtiraha website-ka Adhicadeeyenews.com ahna wakiilka *Calanka.com* ee magaalada Nairobi.


Weriye Axmed xassan Kheyre ayaa masuulka Su’aalay sida ay u arkaan hadalkii ka soo yeeray labada garab ee Odayaasha midnimada beelaha Hawiye eek u aadanaa in ay duqeyn la beegsadaan ciidamada AMISOM Suuqa Bakaaraha iyo deegano ay dad rayid ahi ku badan yihiin.

Mr. Wafula Wamunyinyi ayaa ku jawaabay in aysan bartilmaameedsan rayidka balse ay kooxaha ka soo horjeeda gabaad ka dhigtaan dadka rayidka ahm halkaasi oo ay ka soo weeraraan xoogagooda, waxaana balan qaadaynaa in ay yaraan doonto dhibaatada soo gaarta inta badan dhibanayaasha oo ah caruur iyo haweenba, marka aan ka taqalusno Al-SHABAB.

Sidoo kale waxaa su’aal taas ka duwan wadiyay aniga oo ah weriye Royter, taas oo ayhayd, hadii la soo dhamaystiro ciidamada ay ku yabooheen dalalka ku jira Midowga Afrika suurtagal ma noqon kartaa in ay Soomaaliya ku soo dabaalaan nabad galo buuxada, islamarkaana ma la is dhihi karaa waxa ay meesha ka saari doonaan xoogaga Islmaiyiinta ah ee dhibaateeya shacabka magaalada Muqdisho.

Waa aynoogu jirtaa qorsha in aan sida ugu dhasaha badan ula wareegno meelaha ay gacanta ku hayaan kooxaha nabad diidka marka ay noo soo dhamaystiranto ciidamada iyo qalabka Milatari ee aan ka filayno.

Ugu dambayntii ayaa waxaa shirka soo xiray madaxa kusimaha gaarka ah ee gudiga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mr. Wafula Wamunyinyi, kaas oo aad ugu mahad celiyay bahda saxaafada ee maanta ka soo qeyb galay kulankaasi.

Maxamed Cali Cabdi (Royter)
maxamedroyter@hotmail.com
Niarobi, Kenya

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia