|
Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa maanta gacmaha looga jaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraam, kadib markii maamulka Al-Shabaab ee magaaladaasi ay ku soo eedeeyeen dambi xatooyo ah.
Wiilasha gacmaha laga jaray ayaa kala ah Haruun Cabdi Cilmi (21-jir) iyo Liibaan Xuseen Xersi (18-jir), waxaana uu xukunkoodu ka dhacay fagaaraha xarunta gobalka, iyadoona ay kasoo qeyb galeen horjoogayaasha sare ee maamulka Al-Shabaab ee Baladweyne.
Garsoorka maxkamadda Shabaabka ee Baladweyne oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed ayaa goobta ka akhriyay qoraal gaaban, waxaana uu sheegay in wiilashan ay xadeen lacag gaareysa 120 000 oo shillin soomaali ah oo u dhiganta wax ka yar hal dollar.
Waxa uu sheegay in ay ka hor qirteen dambigaasi maxkamada horteeda, sidaasna lagu go`aamiyay in midkiiba gacan laga gooyo.
Gacmihii laga jaray ayay Shabaabku sureen darbiga xarunta gobolka, iyadoona ay usoo daawasho tageen dadweyne farabadan.
Horay ayay kooxda Al-Shabaab gacmaha iyo lugaha uga jareen dhalinyaro ay kusoo kala eedeeyeen dambiyo kala duwan, waxaana adimada ay jareen inta badan suraan wadooyinka iyo suuqyada ay dadku ku badan yihiin si ay ugu cabsi galiyaan dadka shacabka ah.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|