|
Ansixinta Dastuurka Qabyada & Dhammaadka Muddada Kala Guurka ah Waxaa Go’aan ka Gaari kara Hey’adaha KMG ah oo Wada Jira
Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri: “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab".
Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa kale oo uu tilmaamay “Si loo helo dastuur dhab ahaan ay Soomaali leedahay, waa in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid ay ka dhex muuqato yididiilada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, taasina waxaa lagu gaari karaa ka qeyb-gal dadweyne oo aad u ballaaran.”
Madaxweynuhu isagoo aqoonsan dadaalka iyo howsha culus ee uu Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxbannaan qabtay, wuxuu yiri “Annagoo og in dastuurkan qabyada ah uu yahay mid sii wanaajinaya Axdigii KMG ahaa, haddana wuxuu u baahan yahay hufid iyo wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed, khubarada sharciga, culumada diinta iyo xubnaha baarlamaanka si loo xaqiijiyo inuu ka tujumayo danta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.
Isagoo arrintan ka hadlaya, Madaxweynuhu wuxuu soojeediyaya in la sameeyo Guddi Qaran Oo Talo Bixin oo ka kooban Xubnaha Baarlamaanka, khubaro sharci, khubarada dhaqan iyo shacab weynaha.
“Naf-huriddii iyo dhiiggii wasiirrada, xubnihii Baarlamaanka iyo dhiigga hadda daadanaya ee shacabkeenna iyo askarteenna ayaa nagu khasbaya in aan dalbanno Dastuur dhammeystiran oo aan ceeb lahayn oo ah mid Soomaalida ka yimid oo danahooda ku qotoma” , Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhanka kale, Madaxweynuhu isaga oo ishaaraya qaabka loo wejihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yiri, Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.
“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato oo afti dadweyne lagu ansixiyey uu yahay Dastuurkii 1960-kii. Haddaba, iyada oo baarlamaanka hadda jira ay adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo habka maamulka Federaalka ah go’aankase waa mid baarlamaanka u yaal”, ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Sheekh Shariif.
Ugu danbayntii, Madaxweynuhu, isaga oo ka hadlaya, habka ansixinta dastuurka cusub iyo sidii horey loogu sii socon lahaa marka uu dhamaado waqtiga DFKM ah oo ku eg bisha Ogosto 2011 waxa uu hoosta ka xarriiqay, “Dowldda Fadaraalka Ku-meel gaarka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada in aanay weli si rasmi go’aan uga gaarin habka iyo qaabka dastuurka cusub loo ansixin doono taas oo markii la dhameeyo qoraal Madaxweynaha lagu shaacin doono.”
Sida ku cad Dastuurkii 60-kii iyo Axdiga KMG ah, hay’adaha dastuuriga ah, gaar ahaan xukuumadda ayaa laga rabaa in ay soo bandhigaan qorshe hawleed, baarlamaanka ayaana sharciyad u haysta in ay sharci ka soo saaraan qaabka dastuurka loo ansixinayo iyo dhammaadka xilliga kala guurka, shuruucdaas oo dhaqan galaya markii uu Madaxweynuhu saxiixo.
Xafiiska M/weynaha
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|