Sannad ayaan ku sahminayay

Tripoli, Libya (Calanka.com) - 04-Sebtember-2010


"Sannad ayaan ku sahminayay "-- (Sheeko taxane ah)... Xilligu wuxuu ahaa Beri-samaadyadii; meeshuna waxay ahayd Muqdisho. Caasimaddeennu ma ay burbursanayn, balse waa ay billayd oo weliba bilic-samayd. Waxay ahayd Xilliyadii ay Nadaafad iyo Nabadgalyo-ahaanba ugu sidatay, oo uga tilmaannayd dhammaan Caasimadihii iyo Magaalooyinkii iyada asaaggeed ahaa.

Dawladdii turuqyada waaweynayd ayaa taagnayd xilligaas, oo weliba ka talinaysay dhammaan Gobollada, Degmooyinka, Tuulooyinka iyo Taako kasta oo ka mid ah dalka. Hay'adihii Qaranka, laamihii Dawladda, Safaaradihii shisheeyaha, Shirkadihii gaarka ahaa iyo kuwii waddaniga ahaa, ayaa kulligood hawshoodu u socotay, oo ay Albaabbadu u wada furnaayeen.

Bulsho-weyntii Soomaaliyeed guud ahaanteed, gaar ahaanna tii Muqdisho iyo Reer-magaalkii Caasimadda ayaa Bari iyo Galbeed u kala socday oo weji-furnaan iyo habsami ku kala deeganayay.

Shaqo-dawladeed, mid gaar-ahaaneed, Ganacsi ka duwan, Xoogsatanimo iyo Waxbarasho kala heer ah, ayaa lagu kala mashquulsanaa Xilligaas. Yar iyo Weyn, Rag iyo Dumar, Caruur iyo Cirrooleba, qaab degganaansho ah ayaa laysu dhex-marayay. Kala-dambaynta dadka iyo horumarinta dalkaba Dawladda ayaa hoggaanka u heysay, Sharciga ayayna ku taallay.

Dadkii Reer-magaalka ahaa, aqoonta fiicanna lahaa ee Xilligaas ku noolaa Xamar-cadde, waxaa ka mid ahaa: nin lagu magacaabi jiray 'Samoow'. Ninkani waxay markaas u dhaxaysay da'diisu 35 ilaa 40-jir. Shaqadiisa, heerka Noloshiisa iyo Dhaqaalihiisuba waxay ahaayeen meel-dhexaad, oo dadkiisuu ku dhex-jiray. Waxaase u sii dheerayd Sumcad wanaagsan oo uu ku dhex-lahaa Bulshadii uu ka tirsanaa ee Reer-Muqdisho.

Geesta kale, Samow isagoo weli iska da'-yar, ayuu haddane inta la og-yahay 2-xaas oo kale soo yeeshay. Mid ka mid ahayd labadaas si degdeg ah ayuu u furay. Tan kalena wuxuu u raadsanayay fursad uu ku furo iyadana. Kuma uusan qanacsanayn labadaas Haween. Jacayl qota dheer oo ay labadooda iyo Samow markoodii hore isku soo guursadeen maba jirin. Calaf iyo Nasiib un baa isu geeyay.

Samow wuxuu aaminsanaa: in labadaas Haween ee uu hore u soo guursaday, ayan ahayn kuwii sii anfici lahaa isaga. Si joogta ah ayuu uga sheegan jiray. Wuxuu ku taami jiray: in mar ay ahaataba uu heli doono mid qancisa isaga, dhan kastoo laga eegaba. Murti ayaa tiraahda:-"Guur sax ah wuxuu ku yimaadaa Nin Sax ah iyo Haweeney sax ah oo is-hela". Dhanka kalase waxaa la yiraahdaa:-"Nin wanaagsan, ma helo Naagtiisa...Naag wanaagsanna ma hesho Ninkeeda".

Samow kama uu quusan Haween oo dhan. Wuxuu isku qanciyay: in haddii uu sii wado sahanka, Allana uu kaashado, uu ugu dambaynta gacanta ku soo dhigi doono 'Gaari-dumar' iyo Gabar hagaagsan.Waxaa jira mar-mar laba qof oo isguursada oo la yiraahdo:-"Kuwaan Ciiddooda ayaa isku meel laga soo qaaday","Waa laysla helay labadaan" iwm.

Guurku sidiisaba, waxaa lagu masalaa sidii "God Gacanta loo ritay oo kale". Waa Calaf iyo Nasiib. Qofna ma sii ogaan karo sida uu ugu dambaynta noqon doono Qofka uu Nolosha la wadaagayo. Waxaa jiri kara qiyaasid iyo saadaalin. Waxay arrintu isu-baddali karaysaa:"La-mood noqonse weyday"...!!. Waxaase mar kasta muhiim ah: inuu Guurku ku yimaado Jacaylka labada qof iyo isku-qanacsanaantooda.

Waxaa mar kasta fiican in Allah la talo saarto, asbaabtana lala yimaado. Qofka la xulanayo waa in loo raacaa, sida ay Diinteennu tilmaamayso. Akhlaaq wanaagsan iyo Alla-ka-cabsi ayaa ugu horreeya sifaalaha lagu xusho qofka.
Xadiiskii Nebiga (NNKH) ayaa micnihiisu ahaa:-"Haddii uu idiin yimaado, qof Diintiisa iyo Akhlaaqdiisa ay idin raalli-gelinayaan,ku-meheriya Hablihiinna". Labadaas Sifo ka-sokow, Samow wuxuu raadinayay Haweeney aan isaga ku xirayn shardi gaar ah, sida: Hanti, Hayb-qabiil iyo masaalix kaloo gaar ah.

Samow ma uusan degdegin, wuxuuna galay baadi-goob hor leh oo ku salaysan dooqiisa. Wuxuu bilaabay Sahan xoog leh iyo indha-indhayn. Wuxuu ku dhaqmayay Murtiyihii ahaa:-"Qismigaaga qajaf-qajaf ayaa lagu darsadaa","Intaadan falin ka-fiirso" iyo "Doonaa waa gaaraa".

Samow wuxuu si gaar ah Indhaha ula raacayay Haweenka ay da'doodu u dhaxaysay 25 ilaa 35-jir. Gabar iyo Garoobna isugu mid bay ahaayeen, hadduu ku arko sifaalaha u cayiman isaga. Wuxuu maanka ku hayay: in haddii ay haweenayda uu caashaqay ay tahay Garoob: inayan mid ama laba ka badan hore u soo dhalin.

La soco qaybta 2-aad...

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia