Magaalada Burco oo lagu xiray rag xiriir la leh kooxda Al-Shabaab

Burco, (S/land) Soomaaliya (Calanka.com) - 04-Sebtember-2010


Ku dhawaad toban ruux oo lagu eedeeynayo in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya ayaa lagu soo qab-qabtay howlgal xalay ilaa saakay ay sameynayeen ciidamada amaanka maamulka Somaliland ee magaalada Burco, xarunta gobolka Togdheer ee Soomaaliya.

Dhamaan raggan ayaa iminka ku jira xabsiga magaalada Burco, waxaana lagu eedeynayaa in ay qorsheynayeen qaraxyo iyo falal argagixiso oo ka dhan ah xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Gudoomiyaha gobolka Togdheere Yaasiin Maxamed Cali oo saxaafadda u waramayay ayaa sheegay in raggani ka yimaadeen meelo ka baxsan gobolka, islamarkaana ay la socdeen dhaq-dhaqaaqooda.

Waxaa iminka socda baaritaan ay wadaan booliska kaasoo ku aadan raggan ay xabsiga u taxaabeen.

Dhawaan ayay aheyd markii iyana rag lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab ay israsaaseyn ku dhexmartay guri ku yaal magaalada Burco iyaga iyo ciidamada amaanka, halkaasoo ay ku dileen hal askari, iyagiina ugu dambeyn xabsiga loo wada taxaabay.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia