Haween jaadka iibiyo oo lagu xiray Baladweyne

London, UK (Calanka.com) - 05-Sebtember-2010


Ilo wareedyo laga helayo magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in kooxda al-shabaab ay xabsiyada u taxaabeen tobaneeyo haweenka qaadka ka ganacsada ah .


Haweenkasi oo sidoo kale laga qaaday qaadka ay ka ganacsanayeen ayay maleeshiyaadka al-shabaab ka gubeen .

Qaadka ayaa si qarsoodi ah loogu iibin jiray gudaha magaalada B/weyn ,waxa ayna qabashadooda timid ka dib markii rag ka tirsan kooxdas ay baaritaano ka sameeyeen gudaha magaalada.

Waxaa xusid mudan in qaadka banaanka magalada lagu iibin jiray laguna so cuni jiray laakiin haweenkasi gudaha magalada ku iibinayeen .

Lama yaqaan talaabada ay kooxdas ka qaadayaan haweenka iyadoo dabcan ay jiri doonaan ganaaxo la dul dhigi doono.

Dhawaan ayay magalada B/weyn al-shabaab gacamaha kaga jareen dhalan yaro ay ku sheegeen in ay xadeen lacag aan gaarsiisneyn hal doolar .

Maryama(Umu Shureem)
seymuun@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia