Ciidamada amaanka magaalada Burco ayaa olole baaritaan ah oo ka dhan ah macalimiinta iskuulada ka wada magaalada si loo yareeyo rabshadaha iyo dilalka qorsheysan ee ku soo noq noqday magaalada.
Oloalihi ugu dambeeyay ee ay ciidamada amaanka sameeyeen ayay kusoo qab-qabteen tiro dhalinyaro ah iyadoo sidoo kale walxahaha qarxana laga helay magalada .
Duqa gobolka Togdheer Yaasiin Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in dadka la qab qabtay ay la kulmi doonaan su'aalo weydiin.
Dhalanyarada la qab-qabtay oo qaar Somaliweyn iyo reer Somaliland isugu jira ayaa lala qabtay qaarkood walxaha qarxa.
Arintan ayaa timid ka dib markii saraakiil maamulka ka tirsan dilal qorsheysan kala kulmeen rag aan la aqoon.
Dhawaan ayaa magaalada Laascaanood lagu dilay Cabdi Ciise oo ahaa sarkaal ka tirsanaa maamulka Somaliland.