|
Weerar yahanka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa bartamaha kaga jira fadeexad galmoosho ah taasi oo haatan qarka u saaran in mustaqablkiisa mugdi giliso.
Rooney ayaa xariir galmoosho ah la sameeyay gabar reer ingiriiska ah oo ka shaqeysa mid ka mid ah website-yada internet-ka ee lagu suuq geeyo gabdhaha jirkooda ka ganacsada.
Laacibkaasi u cayaara shayaadiinta gad-gaduudan (Manchester) ayaa qirtay fadeexadan cusub ee ah in uu xariir uu la sameeyay gabardhaas lagu magacaabo Jennifer Thompson afar bil ka hor ee iib geysa naagaha jirkooda ka ganacsada .
Wararkan ay haatan si weyn u hadal hayaan saxafadda ingiriiska ayaa keeneysa in uu bur bur ku yimaado mustaqbalka gurigiisa iyadoo kala bar uu qasaarayo hantidiisa lacageed sidii ku dhacday laacibkii reer Mareykanka ee Golf-ka cayaari jiray ee Tiger Woods.
Rooney oo 24-sano jir ah ayaa xariir baashaal ah mid ka mid ah hotelada magalada Manchester kula yeeshay jennifer Thompson oo 21-sano jir ah, ugu yaraan-na todobo jeer ayay kulmeen .
Halkii habeen oo uu la jiifto gabadhaas foodleyda ah ayay ka qaadaneysay lacag gaareysa 1.200 oo giniga istarlinka ah, waxaana uu dhowr habeen Rooney gabadhaas kala soo muuqday goobaha lagu caweeyo isaga oo xiligaas u muuqday in uusan u aaba yeeleyn sumacadiisa .
Gabadhaas oo uu la fara cayaaray Rooney oo ka soo jeeda Bolton ayaa saxafadda u sheegtay in meel ay ka gasho weysay Rooney, islamarkaana marar badan bursanayay lacagna ku waalay iyadoo intaa raacisay in Rooney uu u sheegay in uusan ka naxeyn qiyaanada xaaskiisa uu ku sameynayo.
Waxa ay intaa ku dartay in nolol macaan oo dhanka nolosha jiifka ah ay dhan dhansiisay taasi oo uusan horay uga helin xaaskiisa ayay tiri, taasina ay keentay in uu ka hari waayo .
Ma aha markii ugu horeeysay ee uu Rooney xariir ka baxsan xaaskisa sameeyo, waxa uuna horay xariir wada jiifasho ah la yeeshay haweeney ka weyn oo 48-sano jir ah .
Xaaskiisa oo haatan hal cunug u haysa, kii kalana wadada ku soo jiro ayaan markaan raali gilin ogalaneyn waxa ayna qorsheneysaa gurigiisa quruxda badan ee 5-milyan oo gini la giliyay in ay ka buriso .
Rooney ayaa kulamo gaar ah lagu arkay isaga oo gacanta haysta oo ay arkayeen saaxibadiisa kooxda sida M.Owen oo xiligaas si jees jees ah oo daan daansi ku jiro u eegay .
Waxaana markaas ka dib Rooney gashay cabsi, isagoona sheegay in halis iyo fadexad uu ku jiro. Gabadhanan ceebeysay Rooney ayaa sheegtay in kulankoodii ugu horeeyay uu ka muuqday laacibka reer Manchester xishood badan laakiin iyada ay ka baabi'isay .
Hadaba su'aasha la isweydinayo waxa tahay tababaraha xulka Ingiriiska Rooney ma ula dhaqmi doonaa sidii laacibka ree Chelsea ee xariirka xatooyada la sameeyay xaaska saaxibkiisa isku qaranka yihiin una cayaara kooxda Man City.
Qalinka Tafaftiraha Shabakada Calanka.
Cisman Fantastic
ossmanfantastic@hotmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|