Hub u dagay Al-Shabaab

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 06-Sebtember-2010


Warar qarsoodi ah oo la helay ayaa tilmaamaya in garoonka magaalada Kismayo ka soo degtay diyaarad gaar ah oo shixnado hub u siday kooxda al-Shabaab .

Arintan ayaa soo baxeysa xilli warar horay u soo baxay sheegayeen in saanadihii hubka ahaa al-shabaab ka dhamaadeen ka dib dagalaadii xooganaa ee ay ka fuliyeen Muqdisho.

Amaanka garoonka ayaa si gaar ah loo adkeeyay iyo hareeraha magalada ,iyadoo ganacsatada qaadka lagu war giliyay in aysan ku soo dheelman karin garoonka.

Diyaradaas oo xanbaarsaneyd noocyada kala duwan ee hubka ayaa warar hoose oo Shabakada Calanka heshay tilmaameen in laga leeyahay dalka Erateria.

Ma ah markii ugu horeysay oo xukumada Asmara oo xariir la leh kooxda al-shabab hub soo garsiiyaan, balse xiliyadii hore dhanka garoonka Balidoogle ayay ka soo degi jireen .

Hubkani oo noocyada kala duwan isugu jira ayaa ku wajahan Muqdisho waxana lagu xoojinaya dagalada socda.

Magaalada Kismayo ayaa laga dareemay daad gureynta shixnadahaan hubka ah .

Waxana xusid mudan in magalada horay gurmad ahaan uga baxeen maleeshiyaadkii al-shabaab kuwaasi oo Muqdisho gaaray .

Inkastoo xeebaha Kismayo banaankeda joogaan maraakiib dagaal oo diyaraadaha qumatiga ukaca ka soo dulaan kuwasi oo mararka qaar jawi hoose ku dul heehaaba magalada hadana al-shabaab garoonka wax waliba ayay kala soo degaan .

Maryama (Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia