|
Ra`iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi la socda ayaa gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Shalay galinkii dambe ayay kasoo ambabexeen magaalada Muqdisho ra`iisal wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaana qorsha safarkoodu yahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.
Maanta ayaa lagu wadaa in ay dhacaan kulamadan badankooda, kuwaasoo looga hadlayo arrimaha ay ka midka yihiin amaanka, siyaasadda gar-gaarka ee Soomaaliya, sida uu ka dhawaajiyay masuul ka tirsan dowladda oo la socda wafdiga r/wasaaraha.
Safarka ra`iisal wasaaraha ee Kenya ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf dhanka dastuurka cusub ah soo kala dhex galay isaga iyo m/weynaha.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|