|
Afhayeenka AMISOM Maj. Ba-Hoku Barigye oo wareysi siiyay saxaafadda dibadda ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ey ku jabiyeel dagaalka islamarkaana ay kaga guuleysteen kooxaha mucaaradka.
Waxa uu sheegay in ay dib uga riixeen waqooyiga Muqdisho oo ay ka qabsadeen fariisimo iyagoona ka dilay in ka badan 300 oo maleeshiyo.
"Waxaan ku faraxsanahay in dadka ku dhaqan goobihii aan ka xoreynay kooxahan ay iminka ka caagan yihiin argagixisada, waxaana ka bilownay goobaha aan ka qabsanay qeybinta gar-gaarka" ayuu yiri Maj. Ba-Hoku Barigye.
Waxa uu sheegay in dadka aadka u liita ee ku dhaqan goobaha ay qabsadeen sida haweenka iyo caruurta ay la qeybsadaan raashiinka iyo daawooyinkooda marki uu go`o gar-gaarka la qeybiyo.
Fariisimo cusub oo dhowr ah ayuu sheegay in ay ciidamadoodu ka sameysteen waqooyiga magaalada Muqdisho halkaasoo ay difaac kaga jiraan.
Guusha Ba-Hoku sheeganayo ayaa u muuqata mid ay wax ka jiraan maadaama kooxihii dagaalka ku dhawaaqay ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ay iminka awoodoodu yaraatay iyaga oonan wax horumar ah ka gaarin dagaalkii ay ugu magac dareen "Dhamaadka kuwa soo xad-gudbay".
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|