Nicolas Anelka oo iska casilay xulka qarankiisa France

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) - 06-Sebtember-2010


Ka dib markii ururka kubada cagta Faransiiska ay dul dhigeen ganaax 18-cayaarood oo heer caalami ah kaga fariisiyeen ayuu markii ugu horeysay cayarayahan Anelka afka furtay oo uu ka soo baxay aamusnaantiisa, waxa uu sheegay in uu iska casilay cayaaraha heerka caalamiga.

Laacibkaan dhanka weerarka uga cayaara kooxda Chelsea ayaa tibaaxay in wax waliba oo dhaca in uusan dib ugu soo laaban doonin qaranka faransiiska .

"Chelsea ayaan jooga waana ku faraxsanahay, todobaad waliba ayaan cayaaraa", sida waxa yiri Anelka.

Laacibkani ayaa intii ay socdeen cayaaraha aduunka gaar ahan kulankii faransiiska iyo Maxico waxa ay isku dhaceen tababarihii xiligaas.

Waxa uu sababay markas in gadood cayaartooyda qaarkood sameyaan oo ay la saftaan laacibka oo xiligaas London isaga laabtay .

Dhanka kale weeraryahanka chelsea iyo qaranka Ivory Coast Drogba ayaa gaashaanka u daruuray in uu iska casilay qaranka dalkiisa, saxaafada dalkasi ayaa warkasi qortay, waxa uuna sheegay in wararkas yihiin kuwo xiligooda ka soo hor dhacay.

Arintan ayaa timid maadaama qarankiisa oo is reeb-reebka qaramada Africa ku jira uu ka maqan yahay, wel wel uu tababaraha muujiyay-na saxafada u micneysay in Drogba ka fariistay qaranka.

Maryama(Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia