Tartan kubadda miiska oo ka furmay dalka Norway

Oslo, Norway (Calanka.com) - 06-Sebtember-2010


Waxaa si rasmi ah uga furmay Garoonka Kubbdda Miiska Haugenstua Scene ee dalka Norway tartan kaas oo ay ka qayb galayeen dhallinta 10-18 jirka kuwaas oo ka kala yimd magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda .

Tartanka oo aad u xiisa badnaa isla markaana kooxaha ay iswada arkayeen ayaa noqday mid ay kooxaha iyo dhalinyarada ka qayb qaadanaysay aad uga heleen.


Waxaa ka soo qeyb galay tartankaas dhallinyaro gaaraya ilaa 30 Ciyaartooy, waxaana la ciyaaray tartanka Koox-kooxda kubbadda Miiska, Taratnka Keli-keliga iyo Tartanak Lammmanaha wiilasha.

Waxaa ka soo qayb galay tartanka marti sharaf Sporti iyo dadwayne aad u fara badan iyo maamulka Maadiga Kubbadda Miiska oo ay ka mid ahaayeen xoghayihii X/S/K/Miiska Soomaaliyeed ee kal- hore Mr. Cabdi Jamaa Faarax iyo Mahad Abdulle ”Turbashaash” oo ka mida X/S/ K/ Miiska, waxayna ahaayeen labadii ka dembeysay furitaanka Naadiga Kubbda Miiska ee Xaafadda Stovner sanadkii2008.


Naadiga Kubbadda Miiska oo hadda sadex sanno jirsaday, wuxuu gacan-weyn ka helaa Xiriirka Kubbdda miiska ee Dalka Norway, kuwaas oo ugu tabaruca qalab kale duwan sida kubadaha, miisaska iyo tababarada.

Waxaa kale oo mar kastaba dhinaca dhaqaalaha naadiga kubadda miiska ka taageero Xaafadda Stovner oo naadigu hoos yimaado.

Waxaa naadigaan tababarayaal ka ah Abdi Aadan Osman iyo Saacid Cabdulle Mahmuud oo ka tirsanaa ciyaartooydii Xulka Qaranka ee Kubbadda Miiska ee kal hore, isla markaana ka soo qeyb galay tartanka adduunka ee lagu qabtay magaalada Paris sanadkii 2003.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia