Calanka oo Waayaha Cusub ku booqday xaruntooda Nayrobi ayaa waxa muuqanayay in waqti badan iyo dadaal la giliyay albumkan cusub oo guud ahaan dhibatooyinka dalka ka taagan ka hadlaya .
Ma ahan markii ugu horeysay oo Waayaha Cusub soo saaraan heeso maqal iyo muuqaal ah oo wacyi gilin iyo dhibatoyinka al-shabaab looga hadlayo ay soo saaraan .
Waxaa ay horay u soo saareen dhowr heeso oo ka hadlaya falalka al-shabaab iyadoo mid ka mid ah heesahaan bilo ka hor laga sii daayay Tv-yo ku yaal caalamka .
Dadka ku dhaqan Nayrobi ayaa haatan diyaar garow ugu jira helitaanka album-kaan cusub oo si lacag la'aan ah ay ku helayaan .
Kooxda waayaha cusub oo si gaar ah dadka kala socda internet-ka ugu sahlaya la socoshada heesahooda ayaa website cusub hawada u so giliyay ka dib markii webkoodii hore ciladi ay gashay .
Waxaana haatan laga socon karaa www.waayahacusub.org.
Ugu dambeyntii kooxda heesaha ee Waayaha Cusub ayaa uga mahad celiyay Shabakada Calanka sida hufan ee wada shaqeynta iyo dhiira gilinta ay u siiyaan .