Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augostine Mahiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho halkaas oo uu kulan kula qaatay maxadweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
M/weyne Shariif ayaa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay ergayga, waxaana ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadaninimada.
"Kulankani waa mid ka mid ah booqashadeena caadiga ah islamarkaasna lagu kala qaadanayo afkaaraha kala duwan si loo sii wado howlaha ay iska kaashanayaan dowladda Soomnaaliya, Q/Midoobay iyo beesha Caalamnka" ayuu yiri Augostino Mahiga mar uu wareysi siinayay Radio Muqdisho.
Waxa uu sheegay in uu dhawaan u safrayo xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York halkaasoo uu kusoo bandhigi doono warbixin arrinta Soomaaliya ka hadleysa.
Safarka Mahiga oo aan horay loo shaacin ayaa kusoo beegmaya xilli uun maalmo ka hor uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga iyo xubno sar-sare oo ka socda Qaramada Midoobay.