|
"Sannad ayaan ku soo sahminayay "
(sheeko taxane ah)
Qaybtii 2-aad:-
Samow isagoo ku jooga baadi-goobkii iyo sahamintii xagga Dumarka, ayuu goor fiid ah soo maray Waddada caanka ah ee 'Wadnaha'. Wuxuu ka yimid dhanka Is-goyska weyn ee 'Sanca'. Keligiisuu ahaa, wuxuuna fuushanaa Gaarigiisii u gaarka ahaa ee ay siisay Wasaaraddiisu.
Markii uu soo marayay agagaarka Suuqii weynaa ee 'Siinaay', ayuu isha ku dhiftay Gabar taagnayd Waddada dhinaceeda. Waxay Gabadhu ula muuqatay isaga qof Gaari uu raaco la' oo u socda meel muhiim ah. Samow waxay la ahayd Gabadha mid leh astaamihii isaga u astaysnaa.
Si degdeg ah ayuu Samow Gaarigii u ag-dhigtay Gabadhii; wuxuuna yiri:-"Abaayo, soo raac Gaariga, aan ku sii dhoweeyee...kaagama tagi karo cidladaan iyo gaari la'aantaane...".Murti ayaa tiraahda:-"Hadalka-macaan xitaa Shimbirahaa lagu dabi karaa".
Gabadhii oo uu Cadarkuna ka soo haadayay, ayaa degdeg u soo fuushay Gaarigii Samow. Waxay is-raacisay oo tiri:-"Mahadsanid...habeen wanaagsan walaalkiis".
Samow wuxuu weydiiyay Gabadha: Magaceeda iyo halka ay ka timid...?. Waxayna sheegtay in magaceeda la yiraahdo 'Safiya', ayna ka timid Aqalkooda oo meesha ka dhow. Dabadeed, waxay Samow iyo Safiya yeesheen wada-hadal bilow ahaa, oo u dhacay qaabkan:-
Samow:-Xaggeed ku socotaa hadda, oo aan ku sii dhigaa Abaayo...?.
Safiya:-Aboowe, Islaan Eeddadey ah oo deggan Hodan ayaan ku socdaa...waxaan rabaa inaan soo booqdo.
Samow:-Laakin waa habeen Abaayo...9-kii ayay caga-cagaynaysaa...goormaad soo laabanaysaa...gabar keligeed socotane waad tahaye...gaadiidkuna waa xun yahaye...?!!.
Safiya:-Caadi waaye...si un baan yeeli doonaa...waxaa la yiri:-"Sidii loo jabaa loo dhutiyaa".
Inkastoo uu Samow ka shakiyay dhaqdhaqaaqa Safiya, kalmadda 'Waa caadi' ee ay ku dhawaaqday, waqtiga ay socoto iyo xarakaat kale oo ay muujisay, haddane Sheekaysi kooban oo uu la yeeshay gabadha ka-dib, wuxuu ballamiyay Habeenka kale.
Safiya oo gaartay Hodan, ayaa markii ay ka sii deganaysay Gaariga Samow, waxay tibaaxday:-"Aboowe, habeen dambe, isla saacadahaan oo kale ayaa noo ballan ah...meeshii aad iga soo qaadday caawa, iga soo mar...Barnaamijkayga iyo Cashadaydana ku soo tala-gal"...!!.
Xilligaas waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay Gabdhihii lagu magacaabi jiray 'Caasi'. Kuwaas oo ay Fiidyadii kuwa aan akhlaaqda lahayni ku qaadan jireen Baabuurtooda yar-yar.
Laakin Samow wuxuu ku tala-galay inuusan ku degdegin oo hubsado Safiya, waayo Gabdhaha Habeenkii waddada taagan oo dhammi, ma ay wada-xumayn. Casiguna waxay ahaayeen kuwa kooban.
Habeenkii xigay kaas, ayuu Samow saacadihii lagu ballamay ku sii xaadiray Goobtii. Ma aysan taagnayn Safiya. Qaddar nus-saac ah ka-dib, ayay soo caga-dhigatay Gabadhii, iyadoo ka soo degatay Gaari cad, oo kala jiidan, oo uu watay wiil dhallinyaro ahaa, oo u muuqday inuu ka soo jeedo Qoys ladan.
Wiilkii ay Gaarigiisu ka soo degatay Safiya ayaa isagoo dhoolla-caddaynaya, wuxuu ka soo daba-tuuray Gabadhii Erayadan:-"Abaayo, waa inoo Waqtigii iyo meeshii, waana kugu soo tala-gelayaa ee ha ii gooynin".
Bilowgii horaba Samow, wuxuu ka waraystay Safiya: soo daahiddeeda iyo qofka uu yahay wiilka ay ka soo degatay Gaarigiisa. Waxayse bixisay Safiya Jawaab uu ka sii shakiyay Samow. Taas oo ahayd:-"Waa caadiyoos", iyadoo weliba calashanaysay 'Xanjo'....!!.
La soco Qaybta 3-aad...
WQ/M.M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|