Todobo burcad-badeed soomaali ah ayaa maxkamad ku taal magaalada Mombasa ee dalkaasi Kenya ku xukuntay min 5-sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambiyo burcad-badeednimo ah.
Wiilashan dhalinyarada ah oo ay tiradoodu gaareyso 7 ayaa waxaa soo qabtay ciidamada badda Jarmalka (German Naval Frigate) bishii May ee sano hore, waxaana ay ku wareejiyeen dowladda Kenya si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
Markab marayay biyaha gacanka Cadmeed oo lagu magacaabo MV Spessart ayay weerareen iyagoo ku hubeysan hub noocyadiisa kala duwan.
Maxkamadda ayaa fursad u siisay in ay racfaan ka qaadan karaan xukunka sahanta sano ah ee lagu xukumay.
Horay ayaa dalka Kenya waxaa loogu maxkamadeeyay burcad-badeed soomaaliyeed, kuwaas oo ay soo qab-qabteen ciidamada shisheeye ee ilaalada ugu sugan xeebaha Soomaaliya.