|
Dagaalo goos-goos ah oo duqeymo wata ayaa waxa ay ka soconayaan xaafado ku yaal waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana isaga soo horjeeda ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.
Dagaaladan ayaa u socda si goos-goos ah, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay ka kala sheegteen guulo.
Horjooge ciidan oo u hadlay kooxda Al-Shabaab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegtay guulo ay ka gaareen dagaalo xalay iyo saakay dhacay, waxaana sheegashada guusha Shabaabka gaashaanka u daruuray sarkaal dowladda u hadlay oo isna dhankooda guulo sheegtay.
In ka badan 230-ruux ayaa ku dhintay dagaaladan oo bilowday laba todobaad ka hor, mana jirto guulo muuqda oo ay ka gaareen dhinacyada dagaalamaya marka laga reebo shacab lagu dhibaateeyay.
Degmooyinka ay dagaaladani ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah C/casiis, Boondheere ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|