|
Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta qaxooti Soomaaliyeed ka qaaday dalka Koonfur Africa.
Qaxootigan Soomaaliyeed ee la qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 10 qoys, waxa ayna ka dhoofeen magaalooyinka Cap-town iyo Johannesburg .
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Western Cape ee dalka South Africa C/raxmaan Axmed Cumar (Cabdi-yare Jidow) ayaa shabakdda Calanka u xaqiijiyey dhoofka qaxootigaasi Soomaaliyeed ee hey'adda UNHCR-ku ka qaaday dalka Koonfur Africa.
Waxa yy sheegay gudoomiyuhu in hey'adda UNHCR ay imnka qorsheeneyso in qaxootiga Soomaalida ee ku tabaaleysan wadankani K/Africa ay u qaadi doonto sida ay u kala daran yihiin.
Hey'adda UNHCR ayaa sanadkii tegay ee 2009-ka ka bilaawday dalka Koonfur Africa diiwaan gelis ay ku cabireysay xaaladaha qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan K/Africa, iyadoona qaabishay kun iyo shanboqol (1500) oo qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo laga diiwaan geliyey magaalooyinka Cape-town, Johannesburg, Port Elizabeth,(PE) iyo East London.
Qaxootigan Soomaaliyeed ee maanta Hey'adda UNHCR ka qaaday magaalooyinka Cape-town iyo Johannesburg ayaa dib u dejin laga siiyey dalalka Mareykanka iyo Canada.
Horaantii bishii maarso ee sanadii 2009-ka ayey ahayd markii hey'adda UNHCR ay dalka S/africa ka qaaday 20 qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo dib u dejin laga siiyey dalka Mareykanka.
Mustafa Xasan Cali
Xafiiska Calanka ee S/africa
mustafaxasan737@hotmail.com
+27735137388
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|