|
Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in la weysan yahay qaar ka mid ah cayaartooyda Soomaaliya ee da'doodu tahay 17-sano jirka ee ka qeyb galaya is reeb-reebka qaramada Africa ee 17-sano jirka ah ee 2012-ka Brundi lagu qabanayo.
Ilaa toban cayaartooy ayaa loo badinaya in ay kala dhuuteen, kuwaasi oo la qorsheynayay in ay ka qeyb galaan kulanka ciyaareed ee ay la leyihiin jimcaha xulka Masar .
Akbar Haytham Faruq oo ah tababare ka tirsan qaranka Masar ee 17-sano jirka ah ayaa tilaamay in haatan baaritaano socdaan .
Xulka Somaliya ayaa cayaartii habeen dhexdas lagu dhan-dhansiiyay qaraarka guul darada ,waxaa dhulka lala dhigay sedex gool oo nadiif ah .
Kulan kale ee jimcaha ayaa soo baxaya xilli cayaartooydi la la yahay, waxaana la tilmaamay in naxariis aysan dhigooda kala kulmi doonaan .
Niyad wanaag ayaa laga muujinayay cayaraha xulka dhalin yarada Soomaaliya madama cayaaro saaxibtinimo oo kooxo qadar ka dhisan la yeesheen kaga soo badiyeen cayaar wanaag .
Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka kooxda Soomaaliya.
Maryama (Umu Shureem)
seymuun@hotmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|