Al-Shabaab oo mar kale digniin u jeedisay Uganda

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 08-Sebtember-2010


Kooxda al-shabaab ayaa digiin goodin ah mar kale u dirtay dalka Uganda, iyadoo ay balan ku qaadeen in weeraro kale ay ku qaadayaan dalkaasi .

Khudbad uu horjooge Fu'aad Maxamed Qalaf taagerayaasha al-shabab ugu jeediyay masjid ku yaal xaafadda Suuqa Xoolaha ayuu ku sheegay in haddii Kampala cidamadooda kala bixin dalka in ay weeraro xanuun badan gaarsiin doonaan dalkooda.

'Dagaalka Muqdisho waxa uu la mid yahay dagaal u dhaxeeya masjid iyo kaniisad, madaxweynaha Uganada-na waa baadari kaniisadaasi diin bariga Africa ugu faafinayo", sidaa waxaa yiri sarkaalkaas alshabaab ka tirsan .

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Muqdisho ay isu badeleyso qubuuraha ciidamada Afrika, isagoona uga digay Kampala ciidamada ay u soo direyso Soomaaliya.

Hanjabaada horjoogahan Shabaab ka tirsan ayaa soo baxaysa xilli ciidamo boqolaal gaaraya oo Uganda ka socda Muqdisho gaareen maalmihii u dambeeyay .

Maryama (Umu Shureem)
seymuun@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia