Baadari ku hanjabay in uu Qur`aanka gubi doono iyo digniino loo jeediyay

London, UK (Calanka.com) - 09-Sebtember-2010


Baadari Mareykan ah oo lagu magacaabo Terry Jones ayaa ku goodiyay in uu gubi doono maalinta Sabtida ah ee fooda inagu soo haysa, taariikhduna ku beegan tahay 11/09/10 boqolaal kutaabo qur`aan ah, isagoona sheegay in uu falkaasi ka dhici doono kaniisad uu isagu gacanta ku hayo.

Bulshada muslimiinta iyo hey`ado caalami ah ayaa cambaareeyay falkan uu damacsanyahay baadarigan, waxaana ay ka digeen arinkan.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo uu ugu horeeyo General Petreus oo ah sarkaalka haysta ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa arintan ka digay, waxaana uu sheegay in ay dhib u keeni karto ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan dalka Afghanistan.

Baadari Terry Jones ayaa u muuqda mid ka fureystay dhagaha baaqyadan looga dalbanayo in uu ku joojiyo damaciisa, waxaana shir jaraa`id uu qabtay shalay uu ku sheegay in uusan wali wax ka badalin barnaamijkiisa ah in uu gubo boqolaal kutaabo qur`aan ah.

Maalinkan uu ku aadiyay in gubayo kutaabada ayaa ah maalintii la qarxiyay daarihii mataanaha ahaa ee magaalada New York, kuwaasoo la galiyay laba diyaaradood oo rakaab ah.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia