|
" Sannad ayaan ku soo sahminayay "
(Sheeko taxane ah)
Qaybtii 3-aad:-
Samow ayaa Safiya ku soo qaaday Gaarigiisii.Wuxuu weydiiyay halka ay jeceshahay in ay wada-tagaan, si ay ugu sheekaystaan. Laakin Safiya ayaa waxay la soo boodday Jawaabtaan:-"Yaaqaay dhooroosnimada iska dhaaf hee...Horta Baar fiican na geey ee Casho naga soo sii..Markaas ka-dib,noo kaxeey halkaad rabtid..."!!.
Samow oo uu yaabkii ka dhammaaday, ayaa geeyay Safiya Baar ka mid ahaa Baararkii ku-dhowaa Miizaankii Dhuxusha ee Waddada Warshadaha.
Intii ay Cashadii socotay ayuu Samow Su'aalo baaris ah, dhan kasta kaga keenay Safiya,isagoo adeegsanayay khibrad. Ha-yeeshee ugu dambayntii, waxaa Samow u caddaatay: Inay Gabadhu tahay 'Allow-sahal' iyo Xubin Xariif ah oo ka mid ah Caasigii Magaalada.Waxaa u sii dheeraa 'Hambaleey-kafiifnimo'(fudeyd)...!!.
Samow ayaa degdeg u gaaray Go'aan. Wuxuu goostay inuusan Safiya ku aakhiro iyo adduun beelin(Ceeb, Cudurro, Caro-Allah iyo Ciqaabtiisa). Wuxuu soo xusuustay Aayaddii uu Ilaahey ku yiri:-"Ha u dhowaannina Zinada".
Cashadii ka-dib, wuxuu Samow ugu yaboohay Safiya: Qaddar Lacag ah. Wuxuu u sheegay: in Barnaamijkii uu ku soo tala-galay, uu istaas kaga eg-yahay. Wuxuu laabta iska yiri:-"I-mood ha i faddaraynine". Inta uu kaxeeyay iyadoo yaabban, ayuu dhigay halkii uu ka soo qaaday. Wuxuuna ku soo maca-salaameeyay:-"Hadda meel ayaan ku degdegayaa, waanse ku soo raadin doonaa insha ahhal". Sidaas ayuu Samow kaga lug-baxay Safiya.
Dhowr bilood ka-dib, goor maqrib soo dhowaad ah, isagoo ka soo muraad-qunsaday Afgooye, ayuu Samow soo hor-maray Kulliyaddii Lafoole. Gabdho koox ah, oo halkaas ku Baabuur la'aa, ayuu ka soo qaaday 4 ka mid ah. Kuwaas oo ka mid ahaa: Ardadii Kulliyadda.
Gabdhuhu Salaan iyo Mahad-celin mooyaane, wax kale kuma ay darsan Samow. Waxay Dhegaha u raaricinayeen Hees ka socotay Rikoorka(Naastaro) Gaariga. Erayada Heesta waxaa ka mid ahaa:-"Aad baan kuugu baahnahay, adna inaan i jeceshahay, runtii waan ogsoonahay...Ayaamo haddaad i weydid, akhbaar baad soo dirtaa"(Saado).
Mid ka mid ahayd Gabdhihii ayaa ku degatay Cisbitaalka Banaadir, 2-ne waxay ku degeen Km.4. Midii 4-aad ayuu Samow weydiiyay magaceeda. Waxay u sheegtay in la yiraahdo 'Samiiro', ka-dibna wuxuu la yeeshay Sheekadaan:-
Samow:- Abaayo, keligaa ayaa igu soo haray...meelahaan ayaanna ka leexan lahaaye, bal ii sheeg halka aad rabtid, aan fiiriyee inaan ku geyn karo...!!.
Samiiro:-Aboow ani waxaan rabaa Boondheere...cawane waaye, inaa i geeysidaa igu faay leheed wallaahi...!!.
Samow:-Ok. Waxaan kugu soo tuurayaa Agagaarka Taallada Daljirka Dahsoon....intaas Allaha kugu anfaco...aniga waa tixgeliyaa Ardada,siiba Gabdhaha waxbarta ,sidaada oo kale, maxaa yeelay Gabarba Gabadha ay ka aqoon badan tahay, waa ka qiimo badan tahay.
Samiiro:-Waa mahadsan tahay Aboow, anaka Taallada gadaasheeda leen degganahay.Meesha lee igu tuur...ka-bacdi Luuqoo meesha ku dhow leen ka xaluulahaa.Meesha ma ka dheera Mininkaayna..
Intii ay dhexda ku sii jireen ayay Samow iyo Samiiro yeesheen wada-hadal kooban iyo ballan dambe...
La soco Qaybta 4-aad...
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|