Real Madrid oo dooneysa in ay ka faa`iideysato dhibka haysta Rooney

Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 09-Sebtember-2010


Dhibaatooyinkii qoys ee haystay Rooney ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii xaaskiisa Coleena gaashaanka u daruurtay in ay la kulanto .

Maqane jooge toos ayuu noqday laacibkaasi da'da yar, waxa uuna xaaskiisa kula hadlay taleefanka waxa ayna ugu cudur daaratay in indhaha aysan u dhameyn karin nin xaaskiisa qiyaanay.

Rooney ayaa la kulanka xaaskiisa ugu gudbin lahaa mar-marsiiyo iyo cudur daar laakiin xaaskiisa ayaa hawada ku laashay riyadaas.

Inkastoo qoyska gabarta uu la jiiftay rooney raali gilin gaarsiiyeen xaaskiisa ayna u muujiyeen in gabartooda qalad gashay hadana Coleen ma qanacsana .

Rooney oo ah nin aan is xakameyn karin, deganeyn mar walibana kulul maskax ahaan ayaa ku adkaaneysa in dhibka haysta uu ka baxo sida saaxibkiisa isku qaranka yihiin ee John Terry kaasi oo si degan ceebtii haysay uga baxay durbana xaaskisa Dubai ugu tagay .

John Terry saxaafada kuma deg degin halka Rooney ku deg -degay, waxaana haatan ku adkaaneysa in si fudud dhibka haysta uga talaabo.

Kooxda Real Madrid oo ka faa'ideysaneysa dhibka Rooney kala dhex aloosan saxaafada ingiriiska ayaa dooneysa in ay laacibkasi la so wareegto.

Waxa ay sheegeen in marka suuqa kala iibsiga furmo in mudnaanta koowaad uu u yahay Rooney, iyadoo haatan weli aysan dhicin cusbooneysiin hishiiska uu kula joogo kooxda, taasina arimo badan ayay wadada u xaareysa .

Macalinka Manchester United si kulul oo xanaaq ku jiro ayuu u canaantay Rooney fadeexada soo wajahday darteed .

Real waxa kale oo ay qorsheyneysa in Man. City kala soo wareegto laacibka kursiga keydka fadhigiisu ku badanayo ee Aderbayor.

Maryama (Umu Shureem)
seymuun@yahoo.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  • Two Men Arrested Before Boarding Plane
  • US Supreme Court Rules Former Somalia PM
  • Top UN envoy calls for national unity on Somalia
  • U.S. destroyer shadows ship under pirate control
  • Somalia seeks answers from Russia on pirates
  • Somalia pirate attacks grow
  • Conference focusing on restoring order in Somalia