|
Laba gaari oo walxaha qarxa ka buuxaan islamarkaana ay wadeen rag naftood-hurayaal ah ayaa waxaa daqiiqado ka hor lala beegsaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde Int. Airport.
Ilaa iyo iminka waxa ay wararku sheegayaa in ay ku dhinteen oo kaliya ragii ismiidaaminayay, waxaana ay meydadkooda yaalaan goobta uu qaraxuhu ka dhacay ee banaanka garoonka.
Ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa AMISOM ayaa isku gadaamay goobta, waxaana iyagoo dusha u ridaya xabadoay xireen wadooyinka soo gala garoonka iyo halka ay isku qarxiyeen raggan .
Goob-jooge khadka taleefanka ugu waramay Calanka ayaa sheegaya in qaraxyadani ka dheceen albaabka hore ee garoonka.
Ma cada wali cida ka dambeysa amaba fulisay weeraradan ismiidaamin.
Wixii kusoo kordha kala soco Calanka
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|