Foto: calanka

News in English Two Men Arrested Before Boarding Plane US Supreme Court Rules Former Somalia PM Top UN envoy calls for national unity on Somalia U.S. destroyer shadows ship under pirate control Somalia seeks answers from Russia on pirates Somalia pirate attacks grow Conference focusing on restoring order in Somalia
s
Gud. Ilyas iyo dad kale oo xabsiga la dhigay
Amsterdam, Holland (Calanka.com) - 27- April -2011

Ciidamada Booliska wadanka Gariiga ayaa maanta xabsiga dhigay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Gariiga Ilyaas Cali Xasan iyo 18 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo goobihii ay ku sugnaayeen loogu yimid.

Ilyaas Cali Xasan oo qadka Taleefanka iigu waramay ayaa sheegay in sababta xarigiisa ay ka danbeysay kadib markii Todobaad ka hor weerar ku soo qaadeen Wadaniyiin u dhashay dalka Gariiga oo la tilmaamay in ay yihiin Cunsiriyiin xili Booliska ay ku sugnaayeen guryahooda, tallaabadaasi oo uu Guddoomiyaha ku eedeeyay ineysan waxba ka qaban Booliskuu goobta ku sugnaa.

Guddoomiyaha ayaa weerarkaasi cunsurinimo waxaa uu u bandhigay Hey'addaha Qaxootiga qaabilsan gaar ahaan UNHCR iyo wadamada Midowga Yurub, wuxuuna intaa raaciyay Ilyaas Cali Xasan in Boolisku ay ka dalbadeen in ay badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed hase ahaatee aysan waxba ka qaban.

Maanta ayaa Booliska ay weerar ku soo qaadeen xarunta Jaaliyadda iyagoo bartilmaameedsaday Guddoomiyaha iyo 18 qof oo xabsiga weli ku jira, waxaana uu Ilyaas uu sheegay in sababta loo xeray ay ka danbeyay eedeymaha jira ee ay u jeediyeen Booliska xiligii weerarka lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xisbiyada dalka Gariiga ka jira ayaa ku booqday xabsiga Guddoomiyaha Jaaliyadda, wuxuuna Ilyaas uu xaqiijiyay in beri Maxkamad la soo taaki doono si loogu qaado eedeymaha ay Booliska u heystaan isla markaana waxaa arinta ku howlan sida uu sheegay Shan Looyar oo u doodaya Guddoomiyaha iyo dadka kale ee Soomaaliyeed.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii koox cunsiriyiin ah ay weerar ku soo qaadeen dadka Soomaaliyeed isla markaana dhibaato xooggan u geysteen xili ay Booliska Gariiga ku sugnaayeen goobta la soo weeraray taasoo aysan waxba ka qaban.

Cali Muxiyaddiin
Muxiyaddiin@hotmail.com

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda