Soomaalida Oslo
iyo dabaaldagga maalinta Qaranka Norway (17-mai)
Oslo, Norway (Calanka.com) - 18 - May -2011
Soomaalida ku dhaqan dalka Norway, gaar ahaan kuwa caasimadda Oslo ayaa ka qeyb-qaadatay dabaaldegga maalinta Qaranka Norway (Norges Nasjonaldag) oo ku beegneyd 17-ka bisha May.
Maalintan oo fasax la wada yahay ayaa waxaa ay dadku soo xirtaan dhar qurxoon, iyadoona guud ahaan dalka Norway ay tahay maalin farxadeed.
DAAWO FILMKA 17-MAI
17-May ayaa ah maalintii la ansixiyay sharciga Norway (Grunnloven) iyadoona sanadkii 1814 sharcigaasi lagu sixiixay magaalada loo yaqaan Eidsvoll oo ku taal gobolka Akershus.
Hadaba qowmiyadaha ajaanibka ah oo ay Soomaalidu ka midka tahay ayaa maalinkan u ciida si wanaagsan, waxaana ay ka qeyb-qaataan inta badan xafladaha iyo isu soo baxyada ka dhaca guud ahaan dalka.
Shabakadda Calanka ayaa barnaamij kooban ka diyaarisay soomaalida Oslo maalintan, waxaana wariyayaashii goobta gaaray ay ku macneeyeen dabaal-deggan mid aan ka dhicin kan 1-LUULYO oo ah maalinta Qaranka Soomaaliyeed.