Somalida Oslo
siday u saameeyeen weeraradii
argagixiso ee dalka Norway?
Oslo, Norway (Calanka.com) - 24 - Luulyo -2011
Dalka Norway oo maalmahan dambe ay saxaafadda caalmku si aad ah u hadal haysay, islamarkaana ay ka dheceen weeraro argagixiso oo galaaftay nolosha ku dhawaad 100-ruux ayaa waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah kuwaas oo wel-wel ku abuurtay dhacdadan.
Weeraradan ayaa waxaa ka dambeeyay nin Norwiji ah oo lagu magacaabo Anders Behring Breivik , kaas oo da`diisa lagu sheegay 32-jir.
DAAWO FILMKA:
Hadaba wariyayaasha shabakadda warbaahinta Calanka iyo TV-ga ayaa barnaamij gaar ah oo muuqaal ah ka diyaariyay marxaladda caasimadda Oslo weerarada ka dib iyo soomaalida ku dhaqan sida ay u arkaan falka argagixiso ee Jimcihii dhacay.
Waxaan mikrafonka la dhex-qaadnay dadweynaha soomaalyeed ee ku dhaqan caasimadda Oslo kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato, odayaal, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, waxaana wax ka weydiinay dareenkooda ku aadan dhacdadan.
Dhamaan dadkii aynu wareysanay ayaa ka wada sinaa in ay ka xun yihiin falkii dhacay, ilamarkaana ay ku faraxsan yihiin in aysan soomaali iyo muslimiinba shaqo ku laheyn.
Waa falkii ugu xumaa ee dad badani lagu laayo kaas oo ka dhaca Norway kadib dagaalkii labaad ee aduunka