Farmaajo
oo Norway soo gaaray,
casho-sharafna loo sameeyay
Oslo, Norway (Calanka.com) - 09 - Sebtember -2011
Ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo shalay galabtii soo gaaray caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa casho-sharaf loogu sameeyay magaalada Oslo.
Casho-sharaftan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaar ka mid ah jaaliyadda soomaalida ee magaalada Oslo, kuwaas oo isugu jiray odayaal, waxgarad, aqoonyahanno iyo waxgarad.
DAAWO CASHADA:
Farmaajo ayaa dalka Norway u yimid shirweyne loogu magac daray Somali Hope Confrence kaas oo ay soo qaban-qaabisay ururka Daryeel ee ka dhisan dalka Norway.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Ex xildhibaan Cali C/laahi Xasan (Cali Ganay) ayaa hadallo ka jeediyay casho dharafta, iyadoona ay jiraan waxgarad iyana halkaasi ka hadlay.
Shirka Somali Hope Confrence ayaa ka dhici doona magaalada Oslo maalinta Sabtida ah, waxaana lagu casuumay ilaa 1500 oo ruux.
Sudoo kale casho-sharaftan ayaa waxaa Farmaajo ku wehliyay farshaxaniistaha caanka ah Amiin Caamir oo isna Oslo u yimid isla shirka Somali Hope Confrence.
Farmaajo iyo Amiin Caamir ayaa u wada mahad celiyay dhalinyarada ururka Daryeel ee soo qaban qaabiyay shirweynaha iyo casho-sharafta.