Shir-weyne
loogu magac daray "Somali Hope Confrence" oo Oslo ka dhacay
Oslo, Norway (Calanka.com) - 12 - Sebtember -2011
Shir-weyne aad loo soo agaasimay islamarkaana loogu magac daray "SOMALI HOPE CONFRENCE" ayaa galabnimadii Sabtida lagu qabtay caasimadda dalka Norway ee Oslo.
Dadweyne kor u dhaafaya ilaa 1500 ayaa ka soo qeyb-galay shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka DARYEEL ee ka dhisan dalka Norway islamarkaana fadhigiisu yahay caasimadda Oslo.
DAAWO FILMKA:
Waxaa ka soo qeyb galay shirkan ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, farshaxaniista caanka ah ee soomaaliyeed mudane Amiin Caamir, aqoonyahanno, waxgarad, odayaal iyo haween ka kala yimid gudaha dalka Norway iyo dibadiisaba.