News in English Two Men Arrested Before Boarding Plane US Supreme Court Rules Former Somalia PM Top UN envoy calls for national unity on Somalia U.S. destroyer shadows ship under pirate control Somalia seeks answers from Russia on pirates Somalia pirate attacks grow Conference focusing on restoring order in Somalia


- Hambalyo! Baashe, Ubax iyo Fatima oo wada galay golaha deegaanka Oslo, Norway


Oslo, Norway (Calanka.com) - 15 - Sebtember -2011

Natiijooyinka doorashooyinkii golaha deegaanka Norway ayaa la shaaciyay, waxaana ku guuleystay doorashooyinka golaha deegaanka caasimadda Oslo xisbiga loo yaqaan Høyre, iyadoona xisbiga shaqaalaha uu galay kaalinta labaad.

Xisbiga Shaqaalaha oo ay u sharaxnaayeen sadex soomaali ah ayaa golaha deegaanka ka helay 20-kursi, waxaana 11 ka mid ah ay yihiin ajaanib.

Sadexdii musharax ee ugu cad-cadaa soomaalida ayaa galay Golaha Deegaanka, waxaana ay kala yihiin Baashe Muuse, Faadumo Madar iyo Ubax C/Qaadir.

DAAWO WAREYSIYADOODA:



CODADKA AY KALA HELEEN:

Baashe Muuse: 2200 oo cod
Ubax C/Qaadir: 1629 oo cod
Faadumo Madar: 1628 oo cod

Waa markii ugu horeysay oo ay sadex soomaali ah halmar wada galaan golaha deegaanka Oslo, waxaana tani ay noqoneysaa guul weyn oo u soo hoyatay soomaalida ku daqan dalka Norway, gaar ahaan caasimadda.

Arrintan ayaa lagu sababeeyay dadaal dheer oo ay sameeyeen musharixiinta, kuwaas oo ku baraarujiyay soomaalida in ay codkooda dhiibtaan si ay uga qeyb qaataan talada dalka.



Shabakadda warbaahinta Calanka oo kaalin weyn ka qaadatay ololaha doorashooyinka musharixiintan ayaa wareysi la yeelatay sadexda musharax ee Golaha Deegaanka galay, waxaana ay uga warameen dareenkooda ku aadan guusha ay gaareen (Daawo videoga).

Doorashooyinka ayaa la soo gunaanaday 12-kan bishan aynu ku jirno ee Sebtember.




Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Pain Relief tabs




©2006-2011 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA.
Kor ku laabo :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.