Wareysigan ayaanu kula yeelanay Amiin Caamir caasimadda dalka Norway ee Oslo halkaas oo uu kaga qeyb galayay shir balaaran oo loogu magac daray Somali Hope Confrence islamarkaana uu ka soo qeyb galay r/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
DAAWO WAREYSIGA:
Amiin ayaa Calanka uga waramay waxyaabo badan oo taariikhdiisa nololeed iyo mida farshaxan khuseysa, waxaana uu daaha ka rogay arrimo badan.
Bahda Calanka ayuu ku amaanay dadaalka warbaahineed ee ay umadda Soomaaliyeed u hayaan, waxaana uu sheegay in xilliga la aas-aasay shabakadda Calanka iyo magaca ay yeelatay uu farqi weyn u dhexeeyo iminka, taasna lagu gaaray dadaalka wadaniyadeed ee ay muujiyeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu sheegay in cagta la saaray wadadii nabadda ee ay Soomaaliya ku hagaagi laheyd, isagoona umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gacmaha isqabsadaan ayna soo ceshedaan qaranimadooda.