Xaruntan ayaa waxaa ka howlgala Dr. Abshir C/laahi Jaamac oo ku soo takhasuusay caafimaadka ilkaha, mudana soo shaqeeyay iyo Drsa Mona Cumar Xaaji oo iyadana takahasuus xagga caafimaadka ilkaha qabta.
DAAWO FILMKA:
Kala xiriir xarunta Ilkaha
ADRESSKA: Storgt Tannklinkk Storgata. 39
0182, Oslo
V/Gunnerius
E-mail: abshir1999@hotmail.com
TELEFON: 22 201 111
Åpningstider: Man.-Fre. (09-16)
Maamulha xarunta Dr. Abshir C/laahi J. Nuur oo shabakadda Calanka u waramayay mar ay ku booqatay xarunta ayaa waxa uu u sheegay in uu mudo dheer ku fikirayay in uu furo dhakhtar Ilkaha oo ay bulshadeena Soomaalida aad ugu baahan yihiin.
Xarun ka yar tan uu iminka ka hirgeliyay bartamaha magaalada Oslo, gaar ahaan nawaaxiga Gunnerius ayuu sheegay in uu ku howlgeli jiray mudo lix sano ah taas oo ku taalay xaafadda Grønland.
Waa dhakhtarkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo laga hirgeliyo magaalada Oslo, waxaana ay ku soo beegmeysaa furitaanka xaruntani xilli soomaali badan ay baahi u qabaan caafimaadka ilkaha oo dalkani Norway aad qaali uga ah.