Xarun caafimaad
oo afka soomaaliga lagugu
caawinayo oo laga furay Oslo
Oslo, Norway (Calanka.com) - 01 - Janaayo -2012
Xarun dhakhtar cusub ayaa caasimadda dalka Norway ee Oslo laga furay, gaar ahaan xaafadda Tøyen, waxaana lagu qabtaa inta badan howlaha caafimaad ee soomaalida ku dhaqan gudaha dalka Norway ugu safraan dibadaha, sida dalka Jarmalka iwm.
Dhakhtarkan oo lagu magacaabo Akupunktur og Helsesenter ayaa waxaa uu wax ka qabtaa xanuunada kala ah Dhabarka, murqaha, Nerfaha, lafaha, sokorta, cayilka iyo caatada saa`idka ah.
DAAWO FILMKA:
Waxaa ka howlga dhakhaatiir soomaali iyo ajnabi (Chinese) isugu jira, kuwaas oo takhasuus ku qaba cudurada aan kor ku soo xusnay.
Dhakhtarka Shineska ah oo lagu magacaabo Dr. Hang islamarkaana kuna takhasuusay xanuunada aan kor ku soo xusnay ayaa ka howl gala xaruntan, waxaana uu u daaweeyaa dhibanayaasha (beyshanka) qaab laga isticmaalo dalka Shiinaha oo loo adeegsado cirbadaha.
QIIMAHA:
Saacaddi: 600,- kr.
Pakke: 5000,- kr.
Sidoo kale goobtan ayaa waxaa ka howlgeli doona dhakhtar soomaali ah kaas oo ka imaan doona dalka Talyaaniga isbuuciiba mar, waxaana lagu magacaabaa dhakhtarkaasi Dr. C/QAADIR
Dadka doonaya in ay is caateeyaan, amaba iska ridaan baruurta ayaa aad uga faa`iida xaruntan oo leh qalab casri ah oo kala sheegaya waxyaalaha jirkaaga ku saa`idka ah amaba ka maqan kaas oo maalinta ugu horeysa bilaash laguugu saarayo.
Caa`isha Shariif oo ah gabar soomaaliyeed kana howl-gasha dhakhtarkan ayaa qeybta Video-ga idin kugu sharxeysa waxyaalaha aad ka heli kartaan Akupunktur og Helsesenter: