|
|
Qafaal
dhalinyaro
oo ka socda duleedka magaalada Muqdisho
|
|
|
|
|
Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 22 - Janaayo -2012
|
Qafaal dhalinyaro oo ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa waxa uu ka soconayaa deegaanada loo barakacay ee KM.13, ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qafaalkan ayaa yimid kadib markii ay saakay aroor ku baaqeen maamulka Al-Shabaab ee gobolka Sh/hoose, gaar ahaan deegaanka KM.13 in dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ay isugu soo baxaan fagaaro ku yaal halkaas.
Goobta fagaaraha oo ay isgu yimaadeen dadweyne farabadan ayaa waxa ay maleeshiyaadku kala baxayeen dhalinyarada kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb-qaadanayaan dagaalada ay kooxdu kula jirto dowladda Soomaaliya, AMISOM, Itoobiya iyo Kenya.
Waxaa goobta muxaadarooyin "Jihaadka" khuseeya ka jeedinaya wadaado Shabaabka ka tirsan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dhaliyaro ay dagaalada ku khasbaan Al-Shabaab, laakiin waxa uu doorkani ku soo beegmayaa xilli culeyso badan ay soo wajahayaan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab uuna dagaalo uga furan yahay dhowr jiro.
Shalay ayaa waxaa deegaankaasi lagu dilay sarkaal Al-Qaacida ka tirsan iyo tiro maleeshiyo ah kuwaas oo ay beegsadeen diyaaradaha aan duulimaadka laheyn ee Mareykanka.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
|
|
|
|
|