|
|
Ghana
iyo Botswana
oo wada badiyey
|
|
|
|
|
Capetown, S/Afrika (Calanka.com) - 25 - Janaayo -2012
|
Xulka kubadda cagta ee Ghana ayaa 1-0 si dirqi ah uga badisay xulka marki ugu horreysay u soo baxay koobkan ee Botswana,marki ay galabta wada ciyaareen kulankoodi ugu horreyey.
Xulka Ghana oo qaybti hore ee cayaarta ku yara sareeyey ayaa helay gool, waxaana u saxiixay kabtankooda John Mensah daqiiqadii 25-aad ee qaybti hore ee ciyaarta.
Ciyaartoyda Botswana waxa ay soo bandhigeen cayaar wanaagsan Nuski saaca ee danbe,waxaana ay kordhiyeen weerar xoog leh oo sababay in calaamadda casaanka ah la siiyo kabtanka xulka Ghana John Mensah marki uu dhulka ku tuuray weerar yahanka xulka Botswana xilli uu kubadda la galayey goolka xulka Ghana.
John Mensah ayaa garoonka ka baxay isagoo ay ka muuqato carro uu u muujinayo garsooraha cayaarta,waxaana taasi ay keentay in ciyaartoyda Botswana ay dhow jeer la galaan goolka,inkastoo ay shabaqa taaban waayeen.
Dhinaca kale xulka Mali ayaa 1-0 uga adkaatay dhigeeda Guinea oo ay iskula jiraan groubka D,waxaana goolka agoonka ah Mali u dhaliyey laacibkeeda qadka dhexe uga ciyaara ee Bakaye Traoré.
Maalinta axadda ah ayaa waxaa iska hor imaan doono xulka Ghana VS Mali, waa labada xul ee ugu adag groubka D.
More: ciyaaro kala soco Aayahanolosha.net
Mustafa Xasan Cali
Calanka Sports Disk
Mustafaxasan737@hotmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
|
|
|
|