Xafladda wajigii labaad ee furitaanka suuqa soomaalida ee "CARAMEL BAAZAR" ayaa waxaa ay ka dhacday gudaha suuqaasi oo ku yaal caasimadda dalka Norway ee Oslo.
Furitaanka xafladdan oo uu ka hadlay madaxa suuqaasi mudane Axmadeey ayaa waxa uu sheegay in uu haatan soo buuxsamay suuqa, ayna ku soo dhaweynayaan bulshaweynta soomaaliyeed.
DAAWO XAFLADDA
Dukaamo kala duwan iyo adeegyo kale oo ku raalli geliya ayaad iminka ka heleysaa suuqaasi soomaalida ee CARAMEL BAAZAR.
Suuqan ayaa la furay bishii Oktobar ee sanadkii tagay, balse wajigan labaad ayaa ahaa mid ay dukaamadu ugu wada dhamaayeen.