News in English Two Men Arrested Before Boarding Plane US Supreme Court Rules Former Somalia PM Top UN envoy calls for national unity on Somalia U.S. destroyer shadows ship under pirate control Somalia seeks answers from Russia on pirates Somalia pirate attacks grow Conference focusing on restoring order in Somalia


Meydadka tahriibayaal soomaali ah oo lagu aasay Libya


Tripoli, Libya (Calanka.com) - 26 - Janaayo -2012

Maydadka 15 qof oo Soomaali ah ayaa lagu aasay Xeebta Magaalada Masraata oo 200-km Bariga ka xigta Caasimadda Dalka Libya ee Tripoli.

Maydadkan la aasay ayaa ka koobnaa 12 dumar ah,2 rag ah iyo ilma yar oo dhowr bilood jir ahaa.

Maydadkan ayaa ku soo caariyay Xeebta Masraata, waxayna ka mid ahaayeen 55 Soomaali ah, oo ay la degtay Doonni kuwa tahriibka ah, oo ay 14-kii bishan Jannaayo ka raaceen Duleedka Magaalada Tripoli.

Ilaa iyo hadda waxaan nool iyo geeri midna lagu hayn 40 kale oo iyaguna ka mid ahaa, dadkii saarnaa Doonnidaas. Hase yeeshee Warar laga helay xagga Talyaaniga ayaa tibaaxaya: in dhammaan 55-kii saarnaa Doonnidaas, ay baddu liqday, ayna wada dhinteen.

Dadkan ay Doonnidu la degtay, ayaa ahaa tahriibayaal doonayay in ay ka tallaabaan Badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga.

Munaasabaddii aaska Maydadkan oo lagu qabtay Qabuuraha magaaladaas Masraata, ayaa waxaa ka qayb-galay Hawlwadeenno ka socday Safaaradda Soomaalida ee Tripoli, oo uu hoggaaminayay Danjire: Cabdulqani Maxamed wacays.

Danjire/Cabdulqani, oo arrintan ku tilmaamay mid ayaan darro ah, oo naxdin iyo murugo xambaarsan, ayaa uga digay Soomaalida ku sugan Libya iyo kuwa kale ee Waddada ku soo jira Tahriibka Tahlukada leh ee xagga Badda.

Wuxuu Danjiruhu ku boorriyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Libya, inay ka faa'iidaystaan fursadaha xagga shaqooyinka ah ee laga heli karo gudaha dalka Libya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Doonnida degtay ay ka mid ahayd Tiro Doonyaha tahriibka ah, oo horraantii bishan jannaayo isku deyayay inay ka tallaabaan badda, gaaraanna Xeebaha talyaaniga, iyadoo la ogyahay inuu Xilligu yahay bad-xiran. Doonyahaas ayaa mid mooyaane inta kale ay u suura-geli wayday in ay ku sii socdaalaan badda ay mawjadaheedu kacsanb yihiin.
'
Dadkii la socday Doonyahaas qaarkood, waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Libya.

Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida
Tripoli-Libya


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


hits counter




©2006-2011 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA.
Kor ku laabo :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.