|
|
Xulka Ivory Coast
oo 2-0 uga badiyay kan Burkina Faso iyo Suudan oo bareejo ka tuugtay Angoola
|
|
|
|
|
Capetown, S/Afrika (Calanka.com) - 27 - Janaayo -2012
|
Xulka maroodiyaasha ee Ivory Coast ayaa 2-0 uga badiyey xulka Burkina Faso, kadib markii ay ciyaareen kulamadi labaad ee group-ka B.
Xulka guul darrada soo gaaray ee Burkina Faso ayaa ka haraya tartankan, iyadoo labadii kulan ee ay ciyaartay guul darro la kulantay,waxaana taasi ay keentay in xulka uusan lahayn wax dhibac ah.
Ivory Coast waxaa goolka koowaad u dhaliyey laacibkeeda lagu magacaabo Salomon Kalou daqiqadii 16-aad ee bilaawgi cayaarta, iyadoo goolka labaad uu u hibeeyey daafaca xulka Burkina Faso iyo kooxda Lyon’ Bakary Koné marki uu si qaldan madaxa ugu laaacay kubad firiki ahaan loo soo gamay, taasoo niyad jab ku beertay cayaartoyda xulkaasi Burkina Faso.

Dhinaca kale xulka Sudan ayaa bareejo ka baryey xulka Angola,marki ay cayaartoodu kusoo dhamaatay 2-2,waxaana goolasha ku hormartay xulka Angola oo u wada dhaliyey Manucho,mid ka mid ah goolashaasi waxa uu ahaa gool ku-laad (Rigooro).
Xulka Sudan waxaa labada gool u wada saxiixay Ahmed Bashir oo iska bareejeeyey dhigiisa Manucho.
Angola waxay la ciyaari doontaa xulka Ivory Coast,iyadoo group B ay hogaamineyso Ivory Coast oo leh 6 dhibcood halka xulka ku xiga ee Angola uu leeyahay 4 dhibcood, Sudan hal dhibic, Burkina Faso waxba.
Mustafa Xasan Cali
Calanka Sports Team
Mustafaxasan737@hotmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
|
|
|
|