News in English Two Men Arrested Before Boarding Plane US Supreme Court Rules Former Somalia PM Top UN envoy calls for national unity on Somalia U.S. destroyer shadows ship under pirate control Somalia seeks answers from Russia on pirates Somalia pirate attacks grow Conference focusing on restoring order in Somalia


Wufuud ay kala hogaaminayaan m/weynaha iyo r/wasaaraha oo Muqdisho ka dhoofay


Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 27 - Janaayo -2012

Wufuud ay kala hogaaminayaan m/weynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo r/wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali "Gaas" ayaa maanta ka ambabaxay agaroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Labada wafdi ayaa u kala kicitimay dalalka Talyaaniga iyo Itoobiya oo ay kaga qeyb-galayaan shirar halkaasi ka dhacaya.



Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u ambabaxay magaalada Adis’ababa halkaas oo ay kaga qeyb-geli doono shirka Midowga Afrika iyo kan IGAD oo maalinta berrito ah halkaasi ka furmi doona.

R/wasaaraha ayaa isna u ambabaxay dalka Talyaaniga halkaas oo sida la sheegay uu casuumaad u aaday.

Labada wafdi ayaa kala raacay laba diyaaradood oo kala duwan, waxaana garoonka ku sagootiyay xildhibaano iyo masuuliyiin kale.




Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


hits counter




©2006-2011 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA.
Kor ku laabo :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.