|
|
|
Xildhibaan
reer Puntland
oo la dilay
|
|
|
|
|
Bosaso, (P/land), Soomaaliya (Calanka.com) - 27 - Janaayo -2012
|
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa caawa waxaa lagu dilay deegaanka Baargaal ee gobolka Bari.
Kooxo hubaysan oo jidgooyo u tiilay ayay wararku sheegayaan in ay dilka geysteen, waxaana markii xildhibaanka la dilayay la socda sadex ruux oo mid ka mid ah ahaa wiil uu xildhibaanku dhalay.
Iska horimaad hubeysan ayaa goobta ku dhexmaray ilaalada xildhibaanka iyo maleeshiyada dilka geysatay, waxaana la sheegay in ay khasaaro isgaarsiiyeen.
Ma cadda wali sababta dhabta ah ee iskahorimaadka, balse waxay wararku sheegayaan in gaariga xildhibaanku uu ku dhacay goob jidgooyo.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|
|
|
|
|
|