Meles ayaa sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo gudaha Soomaaliya marka la helo ciidamo AMISOM oo bedela si aysan u dhicin amaan xumo iyo isku dhexdaadsanaan.
Ma uusan sheegin xilliga, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu arinkaasi u hirgalo uu uga baxayo.
Mar wax laga weydiiyay in ciidamadiisu usii gudbi doonaan magaalooyin kale oo aan ka aheyd B/weyne ayaa waxa uu sheegay in ay ku xiran tahay codsiga dowladda federalka Somaliya, ayna marwalba iyagu tixgelin doonaan codsigaasi.
Horay ayaa waxaa masuul u hadlay Itobiya u sheegay in ay qorsheynayaan in ay la wareegaan magaalada Baydhabo oo xarun muhiim ah u ah kooxda Al-Shabaab.